Madaxweyne Erdogan oo Ku Horreeya Natiijada Hor-dhaca ah ee Codadka Doorashada Turkiga

Ankara(aftahannews):- Dalka Turkiga
Dadka gaadhaya 64 Milyan oo Qof oo loo oggolaaday inay codeeyaan, ayaa dooranaya labo arrimood oo muhiim, iyadoo codbixinta Axaddii maanta ka bilaabantay waddankaas galabta la soo gebagabeeyey, isla markaana natiijada hor-dhaca ah tebinteeda Warbaahinta qaarkeed durba bilaabeen.

Marka ugu horreysa waxay dooranayaan madaxweynahooda shanta sano ee socota. Tani waa muhiim, iyadoo Madaxweyne Recep Tayyip laga yaabo inuu wajahayo loollankii ugu adkaa, awooddana waxay ku xooggan tahay madaxtinnimada.

Tan labaad, dadku waxay go’aansanayaan cidda maamuli doonta baarlamaanka. Iyadoo in aqlabiyad lagu lahaado 600 oo ku raas ah oo baarlamaanku ka kooban yahay, ay weli muhiim u tahay meel marinta sharciyada.

Mucaaradka, ayaa ballan ku qaaday inay isbeddel ku sameyn doonaan awoodaha madaxweynaha ayna dalka dib ugu celin doonaan hannaan baarlamaani ah.

Natiijada horudhaca ah ee doorashada Turkiga, ayaa waxa tebisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna muujineysaa in Madaxweyne Erdogan uu aad ugu horreeyo.

Haseyeeshee, natiijadu waxay ku saleysan tahay qeyb yar oo ka mid ah codbixinta, 9.1%. Iyadoo taas lagu saleynayo, ayaa warbaahinta HaberTurk waxay tebisay in Erdogan uu 59.47% ku hoggaaminayo musharraxa mucaaradka Kemal Kilicdaroglu oo heysta 34.79%.

Musharraxa Madaxtinnimada Xisbiga Nation Alliance, Kemal Kılıçdaroğlu ayaa ku baaqay in la ag joogo sanaadiiqda codbixinta oo aan laga ag tegin.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku yidhi; “Waxaan doonayaa inaan geesiyaasheenna dimuqraadiyadda u baaqo. Haka ag tegina sanaadiiqda codbixinta, wax walboo dhaca, illaa la keeno warbixinta sanduuqa ugu dambeeya. Rejada dadka idinka ayay idinku xidhan tahay. Waad arki doontaan, daalkiinna wuu miro dhalayaa.” Ayuu yidhi Kılıçdaroğlu.

Madaxweyne Erdogan, ayaa geestiisa sheegay in hannaanka codbixinta uu ku soo gabagaboobay qaab ku saleysan dimuqraadiyad.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in la joogo xilligii laga howlgeli lahaa sanaadiiqda codbixinta.