Africom oo Ka Hadlay Weerar Cirka ah oo uu ku Qaaday Al-shabaab

Taliska Ciidammada Mareykanka ee howlgalka Africom, ayaa faahfaahin ka bixiyay duqeyn dhanka Cirka ah oo ay diyaaradaha Mareykanku ka fuliyeen gobolka Jubbada hoose.

Duqeyntan, ayaa la sheegay in Taliska Mareykanka ee Africom uu kaga falcelinayay weerar kooxda Al-shabaab ay ku qaadeen Ciidammo ka tirsan dowladda oo ku sugnaa deegaanka Libikus oo ka tirsan gobolka Jubbada Hoose.War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska Africom, ayaa lagu sheegay in Ciidammada Mareykanka loo sasay iney weerarro dhanka Cirka ah ku difaacaan Ciidammada dowladda Soomaaliya.Taliska Africom, ayaa sheegay in duqeynta diyaaradeed ay ku dileen laba xubnood oo ka mid ah dagaallamayaasha Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday Saldhigga Ciidanka dowladda ee deegaanka Libikus.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay  ineysan jirin dad shacab ah oo wax ku noqday duqeynta ka dhacday deegaanka Libikus ee gobolka Jubbada Hoose, Mareykanka ayaa sidoo kale xusay iney ka go’an tahay sii wadista duqeymaha ay ku taageerayaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab.