Shirkadda Gob Store oo Daah-furtay Wejiga Labaad ee Qiimo-dhimis loo Bogay oo ay Samaysay

Hargeysa (aftahannews):- Shirkadda Gob Store oo dhawaan Macaamiisheeda u samaysay Qiimo dhimis heer sare ah, ayaa Maanta xaflad la isku arkay ku daah-furtay Wejiga labaad ee Qiimo-dhimista ay ugu talogashay Macaamiisheeda.

GOB STORE BRAND oo ugu ballaadhan Shirkadaha aynigeeda ah, ayaa Macaamiisheeda ku xidhan iyo dadka kale ee danaynaya Agabkeeda Tayada leh, waxay ugu yeedhay inay ka faa’idaystaan Qiimo-dhimista Shirkaddu u samaysay, maaddaama oo Qiimo-dhimistan oo jeebka Shacabka lagu dhowrayaa muddo kooban soconayso.

Wejiga labaad ee Qiimo-dhimista, waxa Faahfaahiyey Madaxa Suuq-geynta Shirmadda Caanka ah ee Gob Store Mr. Farxaan Xaashi Cabdillaahi.

Gebogabadiina, waxa Qiimo-dhimistan ka hadlay Maamulaha guud ee Shirkaddaasi Mudane Muuse Maxamed Ibraahim.

Haddaba, Warkan oo dhammaystiran waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee daawasho wacan oo wanaagsan:-