Kenya oo Diyaarisay Xarun lagu iibinayo Badeecooyinka Dalkeedda

Nairobi (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Wershadaha, iyo Maalgashiga ee dalka Kenya Moses Kuria, ayaa sheegay in dawladu ay diyaarisay dhul ka kooban 17 Hikter, oo loogu tala galay in lagu iibiyo badeecooyinka lagu soo saaro gudaha wadanka.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka, ayuu Kuria, ganacsatada muruqmaalka ah ku boorriyey inay ku dadaalaan sidii ay codsiyo u dirsan lahayeen si xaruntan looga kireeyo.

Xaruntan ayuu ugu magacdaray Kenya Square wuxuuna wasiirku cadeeyay in keliya lagu iibin doono badeecooyinka lagu sameeyo gudaha dalka Kenya.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii uu Moses Kuria Wargeyska rasmiga ee dowladda uu ku soo daabacay dhulal ku yaalla ismaamullada Kwale, Mombasa iyo Machakos oo lagu diyaarin doono badeecooyinka dibadda loo dhoofinaya.

Wasiirka ganacsiga iyo maalgashiga ee dalka Moses Kuria, ayaa labadii toddobaad ee ugu dambeeyay abuuray hadal hayn badan ka dib markii uu sheegay inuu doonaya in xarunta ganacsiga ee China Square ee ku taalla magaalada Nairobi laga saaro suuqyada dalka.

Dhawaan ayay ahayd markii ganacsatada yaryar ee Nairobi ay dhigeen dibadbax ay uga cabanayeen ganacsatada dhalasho ahaan ka soo jeedo Shiinaha oo gacanta ku haya xarun badeecooyinka jumlada ah lagu iibiyo.

Balse haddana si tafaariiq ah isla badeecooyinkaasi qiimo hooseeya ugu dhex iibinaya suuqyada magaalada.

Maamulka xaruntan, ayaa markii dambe sheegay in goobtan ay xidhnaanayso ilaa iyo inta laga xallinaya arrimo taagan.