Somaliland: Carwadii 10-aad ee Ganacsi oo Hargeysa laga Furay iyo Waxyaabaha Ku Cusub 2023

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daah-furay  bandhiga Carwada 10aad ee Rugta Ganacsiga, Wershadaha iyo Beeraha Somaliland.

Carwo ganacsiyeedkan sannadkan 20203 ayaa lagu qabtay Hudheelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa waxa soo qaban-qaabisay Rugta ganacsiga Somaliland,isla markaana waxa ka soo qeybgalay Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim, Wasiirka wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin,Waiirka horumarinta Beeraha Somaliland Cabdiqaadir Iimaan, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Marwo Amina Cilmi Farid,Ergeyga gaarka ah Ee Wada Hadallada Somaliland Iyo Soomaalia Marwo Edna Aadan Ismaaciil, Ganacsato, dhammaan Wershadleyda dalka, iyo marti sharaf kale oo tiro baddan.

Warkaas oo dhammaystiran, ka Daawo Muuqaalkan Hoose:-