C/Weli oo Amar adag faray Ciidanka Soomaaliya iyo wararkii u dambeeyey ee Weerarkii Baarlamaanka

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa si adag uga hadlay, isla markaan Ciidanka Qalabka sida amar ku siiyey in la ugaadhsado Malleeshiyada Al-Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda weerar khasaare dhaliyey oo ay maanta naftood-halaagayaal kooxdaas ka tirsani ku galeen xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

1106 259 352 642 546 831 738259

Malleeshiyada Xidhiidhka la leh Al-Qaacida ee Al-Shabaab, ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaas oo ay ku faaneen inay khasaare xooggan ku gaadhsiiyeen Xildhibaannada Baarlamaanka, Ciidammada Midawga Afrika ee AMISOM iyo Kuwa Soomaaliya, iyagoo sheegtay inay dhimasho iyo dhaawacyo kala duwan gaadhsiiyeen dhammaan dhinacyadaas.

Hase-yeeshee, Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa Saxaafadda galabta kula hadlay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, isla markaana waxa uu amar ku bixiyey oo uu ku dhawaaqay in dagaal toos ah ay Ciidammadu ku qaadaan Malleeshiyaadka Al-Shabaab meelkasta oo ay joogaan.

“Waxaan u tacsiyadaynayaa dadkii ku dhintay ee wax ku noqday weerarkaas argagixiso ee la soo qaaday, Allaah ha u naxariisto dadkaas, gacan ka gar-daran baa dishay, cadawga Islaamkaa dilay, ILLAAHAY baa Janno ku abaal-marin doono, qoysaskii, eheladii iyo ummadda Soomaaliyeedna waxaan leeyahay Illaahay samir iyo Iimaan ha innaga siiyo waan u tacsiyadaynayaa. Kuwa ku dhaawacmay waxaan Illaahay uga baryayaa caafimaad deg-deg ah.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Soomaaliya, waxaanu sheegay inuu aad uga xun yahay weerarkaas Baarlamaanka lagu qaaday.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, ayaa isagoo cadho badani ka muuqato waxa uu amar faray Ciidammada kala duwan, waxaanu yidhi; “Waxaan farayaa Ciidammada Qalabka sida, Ciidanka xoogga dalka,Soomaaliyeed, Ciidammada Booliska iyo Ciidammada Nabad-sugiddu inay hadda dhaqaaqaan si cadawgaas loo baabbi’iyo, in la iska celiyo maaha ee waa in la baabbi’iyaa cadawgaas (Al-Shabaab), meelkasta oo Soomaaliya ah waa in laga baabb’iyaa.”

“Waa dheeranayaa dagaalkaasi meelkasta oo ay ku jiraan waa inaan hadda dhaqaaqnaa, maanta oo xaaladdaasi jirto aan joogo Taliskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo aan la joogo Saraakiishiii loo carbiyey ee loo xil-saaray inay dalkan difaacaan, Cadawgi (Al-Shabaab) waa nala joogaa, mar labaad buu na weeraray, mar saddexaad buu na weeraray marar badan buu na weeraray, waa inaan weerarnaa innaga, maaha inaan sugno illaa ay inna weerarayaan.” Sidaa ayuu yidhi Raysal-wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed.

Weerarkaas ay Al-Shabaab ku qaadday Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa ku soo beegmay xilli ay Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliyeed kulan ku lahaayeen xaruntoodaas, isla markaana waxa uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Waxaana la sheegay inay illaa Dhimashada weerarkaasi sababay tahay 15 Ruux oo toddoba ahaayeen Malleeshiyaadkii weerarkaas ku qaaday Xarunta Baarlamaanka, kuwaasoo ay dawladda Soomaaliya Meydadkooda Warbaahinta ku soo bandhigeen, halka dhaawacuna marayo 3o qof, oo saddex ka mid ahi ka tirsanaayeen Xildhibaannada Baarlamaanka.

Labo ka mid ah Xildhibaannada dhaawacamay, ayaa magacyadooda la xaqiijiyey waxaana la kala yidhaahdaa Xildhibaan Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar-Finish) iyo Xildhibaan Cabdalla Boos Axmed, kuwaasoo dhaawacyadooda lagu dawaynayo Cusbitaalka Ciidanka AMISOM ee Muqdisho. Dadka halkaas ku dhintay ayaa la sheegay inay u badnaayeen Askartii ilaalada Xarunta Baarlamaanka, waxaana kooxda weerarkaas fulisay lagu sheegay illaa toban Naftood-halaag oo ku labbisnaa Dirayska Ciidammada Soomaaliya sida ay wararku sheegayaan.

Wasiir Ku-xigeenka amniga Qaranka Soomaaliya Ibraahim Yarow Isaaq oo la hadlay Warbaahinta dowladda, ayaa isaguna sheegay in la dilay inta badan Malleeshiyadii soo weerartay dhismaha Golaha Baarlamaanka. Wasiir Ku-xigeenku waxa uu intaas ku daray inay Ciidanka dawladda Soomaaliya muddo la dagaalameeyn kooxdii soo weerartay dhismaha Baarlamaanka.

Malleeshiyada Al-Shabaab ayaa hore u weerartay Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho oo ay Saraakiil Madaxtooyada ka tirsanaa ku dileen iyo Ciidammadii ilaalada qaarkood, waxay sidoo kale siyaabo kala duwan u wareereen Xildhibaanno ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoo ku hanjabay inay layn doonaan Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen kuwo riddoobay oo sameeya Xeerar iyo Sharciyo ay sheegeen inay yidhiin kuwo dhaqan Gaalaad ah, isla markaana meesha lagaga saarayo Shuruucda Diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda, sida ay Al-Shabaab ku hanjabeen marar badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.