Somaliland oo Caalamka ku Wargelisay inay Duullaan ku Soo Qaadayaan Soomaaliya iyo Putland

Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa sheegtay inay Ciidammo kuwa Maamulka Putland ka tirsan iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya ka socdaa ay ku jiraan is urursi, si ay duullaan ugu soo qaadaan Ciidammada Qaranka Somaliland ee gobolka Sool ku sugan.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye, ayaa caawa bartiisa twitterka uu ku leeyahay ku baahiyay qoraal uu Beesha Caalamka ku ogeysiinayo Ciidammo uu sheegay inay isku urursanayaan deegaannada xadka, isla markaana waxa uu tilmaamay inay qorshaynayaan duullaan Somaliland ka dhan ah.

Qoraalka uu Wasiir Caateeye baahiyay, waxa uu u dhignaa sidatan:- “Dawladda Somaliland waxa ay doonaysaa in ay caalamka ku wargeliso in Qarankeedu uu wakhtigan wajahayo weerarro kaga socdo dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya. Ciidammada Soomaaliya & kuwa Puntland ee Soomaaliya, ayaa isku uruursaday xuduudka si ay duullaan u soo qaadaan. Nasiib-darro, ma hayno doorasho kale oo aan ahayn inaan difaacno dalkayaga.”