Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo eedayn u jeediyey Xubno Wasiirro ah oo Xukuumadda ka tirsan

Muuse Biixi oo caddeeyey inaanu Musharraxnimadiisa uga tanaasilaynin Madaxweyne Siilaanyo

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa sheegay inay Xubno Golaha Wasiirrada ee Xukuumadda ka tirsani wadeen afartii sano ee Xukuumaddu jirtay, isla markaana ay weli wadaan sidii ay u kala fogeyn lahaayeen Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta KULMIYE.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi waxa uu gaashaanka ku dhuftay inuu Musharraxnimadiisa uga tanaasulayo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo isaga Wasiirkiisa Warfaafintu sheegay inuu mar kale u sharraxan yahay Kursiga Madaxtinnimada dalka ee uu ku fadhiyo marka la gaadho doorashada soo socota ee la filayo inay qabsoonto 2015-ka.

“Dee maxaa loo soo qaadayaa (Tanaasul) haddii wakhti doorasho la joogo nin waliba xor buu u yahay inuu tartamo, Nin walibana cidduu taageersan yahay buu fikraddiisa sheegayaa, ninkii fikraddiisa cabbirtaa isagaa cabbirtay, meeshuna waa dimuruqaaddi oo haddii wakhtigii doorashadu yimaaddo qofku wuu isa soo sahrraxayaa, qof walibana xaq buu u leeyahay, hawlna malaha taasi.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KUKLMIYE oo VOA-da war uu siiyey lagu weydiiyey su’aal ahayd in xubno Salaaddiin ahi u soo jeediyeen Muuse Biixi inuu u tanaasulo Madaxweynaha oo sida uu Wasiirkiisa Warfaafintu sheegay mar kale u sharraxan inuu Madaxtinnimada u tartamo.

“Waxaad mooddaa sida ay Idaacaduhu sheegayaan ama dadkuba dareemayo waxa la yidhaahdaa Khilaaf KULMIYE oo soo jiitamayey haddana dib buu u bilaabmay, waxa loo aaneeyaa oo la yidhaahdaa waxa is-haya Xukuumadda iyo Xisbiga. Waxaan doonayaa inaan caddeeyo Xukuumadda waxaa Xukuma Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka, labadaba Xisbigaa laga doortay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay shir jaraa’id oo ay xubnaha Hoggaanka Xisbigu ku qabteen shalay galab ku qabteen xaruntooda Hargeysa.

Waxaanu Muuse Biixi oo si wata hadalkiisa intaas ku daray oo uu yidhi; “Madaxweynaha wax arrin ah oo intaannu isu nimi aannu isku diidnay ma jirto, ixtiraam badanna waan u hayaa, mana qabo inay xumaani xaggiisa kaga imanayso Xisbiga. Igama aha eray siyaasi ah ee waa dhab. Laakiin, waxa jira Golaha Wasiirrada Rag badan oo ah oo afartaa sannadoodba ka dhex-wada Xisbiga iyo Xukuumadda khilaafaad, kana hadli maayo maanta ee wakhtigeedaa la gaadhi doonaa.”

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa isaguna sheegay inay Xubno Wasiirro ahi Madaxweynaha cadaw uga dhigayaan Hoggaanka sare ee KULMIYE iyo Xubno Madaxda Xisbiga ka tirsan, waxaanu yidhi; “Khilaafaadka jirey ee muddada soo jiitamayay waxa uu ka imanayay Xubno Xukuumadda ku jira oo Wasiirro ah. Madexweynuhu waa Odeyga Xisbiga, waa Madexweynihii laga soo doortey Xisbiga, waa Odeygii aasaasey Xisbiga, waxaan u maleynayaa Muuse Biixi khilaaf ka dhex jira anigu garan maayo, mid aniga naga dhexeeyana garanmaayo, xubnahan hoggaankan khilaaf ka dhexeeya garan maayo.”

“Xubno Wasiirro ah ayaa waxay tilmaamayaan in Xisbiga cadow weeraya Madexweynaha dalka uu ugu dhex-jiro, yey Saaxiib uga dhigayaan marka cadow loogu tilmaamo hoggaanka Xisbiga oo dhan? Dhibaato ma jirto Xisbiguna sharci ayuu ku kala socdaa Xisbi ahaanna waannu ku galeynaa arrintan Distoorka Xisbiga ayay ku soconaysaa, arrintanna Xisbi ahaan baannu xallinteeda u gelaynaa, Dastoorka Xisbigu waxa uu qeexayo iyo cidda awoodda uu siinayaana hawsheeda way galaysaa.” ayuu hadalkiisa Ku Gunaanadey.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed oo hadal dheer ka jeediyey Shirka Jaraa’id ee ay hoggaanka Xisbigu qabteen.

Xigasho Wargeyska Himilo.