Cabdimaalik Muuse Coldoon oo Xabsiga laga sii daayey

Hargeysa (Aftahannews) – Cabdimaalik Muuse Coldoon oo in muddo ah ku xidhnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa, ayaa maanta la sii daayay, kadib markii uu dhamaaday muddadii labada sannadood ahayd ee lagu xukumay.

Cabdimaalik Muuse Coldoon oo xabsiga weyn ee Hargeysa ku jiray tan iyo sannadkii 2021-kii, ayaa ugu danbayn maanta la sii daayay, kadib markii uu dhamaystay xukunkiisu.

Coldoon oo sii deyntiisa kadib warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in lagu qoonsaday kadib markii uu ku baaqay in wanaaga la is faro xumaantana layska reebo.

Waxa uu sheegay in aan loo xidhin hadaladii uu ka sheegay dugsiga Abaarso darteed lakiin sida uu ku andacooday loogu soo gabaday Qadiyadiisa oo looga dhigay in ay iskuul is haystaan.

Sidoo kale, Coldoon, ayaa sheegay in lagu eedeeyay in uu ceebeeyay oo uu warar been abuura ka faafiyay dugsiga Abaarso, isago sheegay in waalidka ardayda dugsiga Abaarso, ay eedo u soo jeediyeen isaguna uu aayadaha Qur’aanka iyo caddaymo kale isku difaacay.