Madaxweynaha Somaliland oo Muddeeyey Xilliga Dalka laga Bilaabayo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xeer Madaxweyne oo uu maanta soo saaray ku muddeeyey xilliga ay dalka ka qabsoomayso diiwaangelinta Codbixiyeyaasha doorashooyinku.

Xeerka Madaxweynaha oo sumaddiisu tahay Lr. 18/122022, Ujeeddada uu xambaarsan yahayna tahay Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, ayaa madaxweynuhu ku soo saaray codsi uga yimi Guddiga doorashooyinka Qaranka oo 7-dii bishan December Madaxweyne Biixi u gudbiyey qoraal ay ugu soo jeediyeen ku dhawaaqista wakhtiga dalka laga bilaabayo Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo ku beegan 28-ka Bishan December.

Qoraalka Xeerka Madaxweyne Biixi ku soo saaray wakhtiga Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;

Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.” Sidaas ayuu Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku yidhi wareegtada uu ku soo saaray xeerka Madaxweyne ee uu ku muddeeyey xilliga dalka laga bilaabayo Diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo ay ka hadhsan tahay wakhti ka yar saddex toddobaad haddii Illaahay idmo.