Muuse Biixi oo buriyey Liiska Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta KULKMIYE oo xalay la shaaciyey

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE ee talada Somaliland haya, ayaa ku gacan-saydhay sharcinnimada Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbigaas oo ay xalay Hargeysa kaga dhawaaqeen liisaska magacyadooda Guddiga Shir-guddoonkii Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE oo bishii hore ka qabsoomay Hargeysa.

MUUSE BIIXI OO FARTA KU FIIQAYA MADAXWEYNE SIILAANYO

Ka dib ku dhawaaqista xalay ay ku dhawaaqeen Shirguddoonkii Shirweynaha Saddexaad ee KULMIIYE Liiska Magacyada Guddiga Fulinta iyo Xubnaha Golaha dhexe, waxa uu Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi sheegay in laga been-abuuray go’aammada Shirweynihii saddexaad ee KULMIYE, isla markaana been-abuurkii Qarniga ay sameeyeen Shirguddoonkii shirkaas oo uu ku dooday in cimrigooda sharciga ahi ku dhammaaday markii shirweynahaasi dhammaaday, isla markaana waxa uu ku dooday inaanay aqbalaynin Liisaska ay xalay ku dhawaaqeen oo uu u tilmaamay inqilaab.

Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo maanta la hadlay laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da, ayaa sheegay in aanay oggolayn tallaabada lagu shaaciyay Xubnaha Golaha Dhexe iyo Guddida fulinta.

“Ma oggolin Liiskan Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee lagu dhawaaqay Xisbiga KULMIYA-na ma oggola, Guddiga soo saartayna waa Shir-guddoonkii Shirweynaha 3-aad, Shir-guddoonkaasina waxa uu la cimri ahaa labadii Cisho ee shirka, Awood ay Guddi Fulineed iyo Gole dhexe ku shaaciyaan-na malaha. Guddigaasi waxay sameeyeen Been-abuurkii Qarniga, mana oggolaanayno. ” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Liiska magacyada Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta ee Xisbiga KULMIYE, ayay Madaxtooyada Somaliland si habaq-le ah ugu diraysay Email-lada Warbaahinta markii ay Xubnaha Shirguddoonkii Shirweynaha saddexaad oo Guddoomiye ku-xigeenkii Guddigaasi ka maqnaa ku dhawaaqeen ka dib, taasoo ay dadka qaar u arkayeen inay Madaxtooyadu inqilaabtay awooddii Guddoomiyaha Xisbiga oo marka Sharciga Xisbiga KULMIYE loo eego isagu awood u leh ku dhawaaqista Liisaskan ay xalay Shirguddoonkii Shirweynaha dhammaaday bishii hore ku dhawaaqeen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.