Soomaaliya iyo Mareykanka oo gaadhay iskaashi cusub

Muqdisho (Aftahannews)- Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa maanta kulan la qaatay Saraakiil ka tirsan Ciidamada Mareykanka, kuwaasi oo ka wada-hadlay xoojinta iskaashiga dhanka Millateriga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Kulankan, ayaa sidoo kale waxa lagaga wada-hadlay xoojinta howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab, xili ay Soomaaliya ka socoto guluf dagaal oo ka dhan ah kooxdaasi, kuwaasi oo lagu gaadhsiiyay jab xoogan, sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaaradda difaaca Soomaaliya.

Kulankan, ayaa imanaya laba maalmood kadib markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn la beegsadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar ku qaaday ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Iyada oo la kaashanayo dowladda federaalka Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) wuxuu fuliyey duqeyn ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab oo weerarayey ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya, meel u dhow degmada Buulobarde, oo qiyaastii 218 KM waqooyi-galbeed kaga beegan Muqdisho, October 23,” ayaa lagu yidhi bayaan xiligaas ka soo baxay AFRICOM.

Mareykanka, ayaa taageero joogto ah siiya dowladda Soomaaliya tan iyo markii madaxweyne Joe Biden uu ansixiyay codsigii Pentagon-ka ee ahaa in ciidamada Mareykanka la geeyo aaggaas si ay uga hortagaan kooxda argagixisada bishii May.

Soomaaliya, ayaa xiligan waxaa ka socda guluf dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo illaa hadda laga gaadhay guulo waaweyn, iyada oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kooxda kala wareegeen deegaano ay sanado badan gacanta ku hayeen.