Somaliland: Maxkamadda Sare oo Dhaarisay Wasiiradii dhawaan Baarlamaanku Ansixiyay

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa maanta Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi hortiisa ku dhaariyey xubno isugu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeeno, gudoomiyeyaal iyo Gudoomiye ku xigeeno hay’addaha madax-bannaan ah oo uu hore xilal qaran ugu igmaday oo dhawaan kasoo gudbay ansixinta golaha Wakiillada.

Ugu horrayn, guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland, garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa kelmedo dardaaran ah u jeediyey masuuliyiinta maanta la dhaariyey, waxana uu ku dhiirriyey inay dhawraan ammaanada dummaddooda la saaray.

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa si wada jira u dhaariyey masuuliyiintan, kuwaas oo gacmaha saaray kitaabka Qur’aanka kariimka ah, islamarkaana ballan qaaday inay daacad u noqon doonaan dadka, dalka iyo Diinta Islaamkaba.

Ugu dambayntii, madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhaarta kaddib kelmedo dardaaran iyo waano isugu jira u jeediyey xubnaha dhaarta gutay, isaga oo ku adkeeyey inay waajibaadka la saaray u gutaan si hufan, bulshadana ugu adeegaan si daacadnimo ku dheehan tahay.

Masuuliyiinta maanta la dhaariyey, ayaa isagu jira wasiirro, wasiir-ku-xigeenno, guddoomiyeyaal hay’ado madax-bannaan iyo kuxigeenno, waxana ay kala yihiin;

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha, , Cabdiqaadir Iimaan Warsame, wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, Dr. Axmed Aadan Buuxane, wasiir-ku-xigeenka shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska, Cabdimajiid Ibraahim Muumin, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta, Siciid Xasan Habbane, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda xannaanadda Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Maxamuud Jaamac Warfaa, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Hawlaha guud, Dhulka iyo Guryeynta, Maxamuud Warsame Jaamac, guddoomiyaha Hay’adda dhawrista tayada, Mukhtaar Maxamed Cali iyo ku-xigeenkiisa, , Xamse Cabdi Ibraahim, guddoomiyaha hay’adda caymiska qaranka, Guuleed Muuse Galaal iyo guddoomiye-ku-xigeenkiisa, Maxamed Xuseen Axmed.