Madaxweynaha Kenya oo Nin Soomaali ah u Magacaabay Madaxa-waaxda Dambi-baadhista

Nairobi (Aftahannews)- Madaxweynaha dalka Kenya, William Ruto, ayaa Amiin Maxamed Ibraahim u magacaabay xilka Agaasimaha Waaxda Dambi-baadhista ee Kenya, oo magaceeda loo soo gaabiyo DCI.

Amiin, ayaa hore u ahaa madaxa booliska ee wasaaradda Arrimaha gudaha.

DCI-da Kenya, ayaa dowladda u qaabilsan dambi baadhista guud, waxa ayna dabagal ku sameysaa dhammaan fal-dambiyeedyada shacabka iyo kuwa lagu tuhmo siyaasiyiinta.