Shirka Guddiga Fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo ka furmay Jigjiga

Jigjiga (Aftahannews)- Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida, waxaa si rasmi ah Shirka guddiga fulinta ee Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ee Barwaaqo,  ayaa maanta si rasmi ah uga furmay magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad deegaanka Soomaalida.

Shirkan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Ra’iisal Wasaaraha dalka Itoobiya ahna Madaxa Xisbiga Barwaaqo Abiy Axmed, Wasiiro heer federal ah iyo Madaxda dowlad degaannada dalka Itoobiya.

Shirkan, ayaa waxyaabaha lagaga hadlayo waxaa kamid ah xaaladda guud ee dalka Itoobiya, iyo sidii loo wajihi lahaa wadahadallada u dhaxayn doona dowladda Itoobiya iyo kooxda TPLF.

Sidoo kale, shirkan guddiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo oo sida la qorsheeyay socon doona ilaa laba maalmood, ayaa la filayaa inay ka soo bixi doonaan qorshayaal iyo go’aano muhiim u ah dadka iyo dalka Itoobiya.

Shirkan, ayaa ku soo beegmaya xilli la filayo in dowladda Itoobiya iyo TPLF oo muddo badan dagaallamayay uu wadahadal uga furmi doono dalka Koonfur Afrika, iyadoo sidoo kale uu Shirkani ku soo beegmay xilli colaaddo kala duwan ay ka jiraan meelo kala duwan oo kamid ah dalka Itoobiya.

Waxaa sidoo kale aad loo adkeeyay amniga magaalada Jigjiga, iyadoo waddooyinka waawayn ee magaalada dhex mara laga mamnuucay gaadiidka noocyadiisa kala duwan marka laga reebo gaadiidka hay’addaha amniga, iyadoo dadkuna ay luguhooda maalayaan walaw Bajaajtu iyo gaadiidka daweynuhu ay marayaan waddooyinka xaafadaha dhexdooda ah, kuwaas oo intooda badan aan ahayn kuwo dayactiran oo socodka ku haboon.