Khasaaraha Dagaalka Armenia iyo Azerbaijan oo kordhay

Baku (Aftahannews)- Azerbaijan, ayaa maanta sheegtay in 71 ka mid ah askarteeda ay ku dhinteen iska horimaad ay xuduudda kula galeen ciidamada Armenia labadii maalmood ee ugu dambeeyey, taasi oo ka badan tiradii ay hore u shaacisay oo aheyd 50.

Armenia, ayaa dhankeedana sheegtay in 105 askari lagaga dilay dagaalka, oo ah kii ugu xumaa ee ka dhaca xuduudda tan iyo dagaalkii weynaa ee dabayaaqadii 2020.

Dowladda Armenia, ayaa sheegtay in xabad-joojin ay weli ka dhaqan galeyso xuduudda Azerbaijan iyada oo wax iska horimaadyo cusub aan la soo werin xalay.

Iska horimaadyadii dhacay Salaasadii iyo Arbacadii, ayaa ku istaagay “farogelin caalami ah” oo xalay la sameeyey, waxaa sidaas sheegay golaha amniga Armenia, kadib markii uu hore u guuldarreystay isku day xabad-joojin oo ay Russia ka shaqeysay.

Baku iyo Yerevan, ayaa midba midka kale ku eedeeyey inuu billaabay rabshadaha ka taagan xuduudda ay wadaagaan, kuwaasi oo ay ku barakaceen boqolaal qof oo shacab Armenian ah.

Xiisadda, ayaa timid iyada oo xulufada ugu dhow Armenia ee Ruushka ay ku mashquulsan yihiin dagaalka 7-da bil ka socda dalka Ukraine.

Wefdi ka socda Ururka Nabadgelyada Wadajirka ah ee (CSTO), oo ah urur Moscow ay hoggaamiso oo ay ku mideysan yihiin Jamhuuriyadihii hore uga tirsanaa Soviet ka, ayaa la filayaa inay maanta gaadhaan Yerevan, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibedda Armenia.

Armenia, ayaa xubin ka ah CSTO, balse Azerbaijan kama tirsana.

Salaasadii, golaha ammaanka Armenia, ayaa kaalmo milateri weydiistay Moscow, oo ay waajib ku tahay inay difaacdo Armenia haddii duulaan shisheeye lagu soo qaado, sida uu dhigay xeerka ururka.

Armenia iyo Azerbaijan, ayaa sagaashamaadkii iyo 2020 waxaa dhex maray laba dagaal iyaga oo isku haya gobolka Nagorno-Karabakh oo ka tirsan dalka Azerbaijan balse ay degan yihiin dad badankood Armenian ah.

Dagaalkii lixda toddobaad socday 2020, ayaa waxaa ku dhintay 6,500 oo askari oo labada dhinac ah, wuxuuna dhammaaday kadib xabad-joojin ay Ruushku dhex-dhexaadiyeen.

Heshiiskaas ayay Armenia uga tanaasushay dhul baaxad leh oo ay tobanaan sano gacanta ku haysay, waxaana Moscow ay xuduudda gaysay 2,000 oo askari oo nabad ilaaliyeyaal ah, si ay korjoogteeyaan xabad-joojinta.