Soomaaliya oo Sheegtay inay Dishay Sarkaal Sare oo Tirsanaa Al-shabaab

Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Soomaaliya, ayaa sheegtay in howlgal ay ciidamadeedu ka sameeyeen deegaanka Mubaarak ee gobolka Shabeella Hoose ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyada Al-shabaab.

Sarkaalka ay Soomaaliya sheegtay inay dishay, ayaa magaciisa lagu soo gaabiyay Carab oo ahaa ku xigeenka Al-shabaab ee maleeshiyada deegaankaas.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, howlgalkan, ayaa sidoo kale lagu dhaawacay 10 kale oo uu ka mid ahaa nin lagu sheegay Cusmaan Daa’uud oo ahaa horjoogihii maleeshiyada Al-shabaab ee Mubaarak.

War-saxaafadeedkan, ayaa lagu sheegay in howlgalkan lagu bartilmaameedsaday xarunta ugu weyn ee Al-shabaab ay ‘ku aruurin jirtay lacagaha ay xoogga kaga qaadato shacabka gobolka Shabeellaha Hoose.’

“Dowladda Soomaaliya iyada oo kaashaneysa shacabka, waxaa ka go’an tirtirista argagixisada Al-shabaab” ayuu lagu yidhi bayaankaa wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.