Wasiirka Gaashaandhiga “Qof Al-Shabaab Ku Hoos Nool Oo Xor Ah Ma Jiro….”

Muqdisho (Aftahannews)-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ay wehlinayeen masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Hiiraan ayaa Xalay booqasho dhiiragalin ah waxay ugu tageen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleeyda oo dhawaan la wareegay deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.


Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur “Qof Al-shabaab ku hoos nool oo xor ah ma jiro, Ilmihiisa xor uma aha oo waa laga kaxeysanayaa, Gabadhiisa oo waa lagu hor kaxeysanayaa, taasina ma ahan mid uu ku noolaan karo qof damiir leh, waxaa tihiin Mujaahidiin dhab ah waa inaan ku dadaalna sidii Shabaab aan uga citibtiri laheyn deegaanka iyo guud ahaan dalkaba” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii Mustaqbalka dhalinyarada deegaanka ee la dagaalameysa Al-shabaab looga dhigi lahaa askar qaran si ay u gutaan waajibaadka ka saaraan nabadgalyada deegaanadooda iyo

dalka.”Waajibaadka na saaran waa in la helo wax weliba oo aan awoodno oo ay ugu horeyso in Mustaqbalka ciidamada qaranka Soomaaliyeed ka mid noqotaan, ciidanka idin kama hagran doonno hubka, rasaasta, raashin iyo gaadiidka uu hayo, adinka waajibka idin saaran waa in deegaankaan iyo deegaannada lamid ah in aysan kusoo laaban Shabaab” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur.