Home Wararka Madaxweynaha Soomaaliya oo Tababar u soo xidhay Saraakiil iyo ku xigeeno

Madaxweynaha Soomaaliya oo Tababar u soo xidhay Saraakiil iyo ku xigeeno

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tababbar u soo xidhay Dufcadda 4-aad ee Layli Sarkaal iyo Dufcadda 5-aad ee Layli Saraakiil Xigeen ee ka baxa Dugsiga Tababbarka Ciidamada Soomaaliya ee TurkSom.

Xasan Sheekh oo uga mahadceliyay dowladda Turkiga hirgelinta dugsigan oo la dhisay sanadkii 2015-kii, ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay dib u dhiska, qalabaynta iyo tayeynta Ciidanka Soomaaliya, si loo helo ciidan Soomaaliya ah oo si buuxda ula wareega sugidda amniga Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku soo bandhigay khudbadda uu u jeediyay Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada, ahmiyadda uu siinayo in dadka Soomaaliya laga dulqaado dhibaatada argagixisada, lana xoreeyo deegaannada ay ka soo maleegayaan falalka gurracan ee ka soo horjeeda dowladnimada iyo qiyamka suuban ee diinteenna.

Dhankooda, Saraakiisha iyo Saraakiil-xigeennada, ayaa soo bandhigay dhoollatus ay ku muujinayaan cududda iyo tayada Ciidanka Soomaaliya, iyagoo gutay dhaarta dastuuriga ah ee la xidhiidha in ay difaacayaan Soomaaliya, dadka, diinta iyo calanka Soomaaliya.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka Turkiga Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Soomaaliya Sareeye Guuto Odawaa Yuusuf Raagge, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya, Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida.