Somaliland oo Dadka bilaa Sharciga ah dalkeeda ka saaraysa

Hargeysa (Aftahannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa waxaa ay muddo kooban u qabatay inay dalka kaga baxaan dadka ajaaniibta ah ee aan haysan sharciga.

Xukuumadda, ayaa dadka ajaaniibta ah ee ku sugan gudaha Somaliland, isla markaana aan haysan sharciga u qabatay in muddo 20 cisho ah ay kaga baxaan dalka.

Waxa farriin gaara loo diray shirkadaha, ganacsatada iyo hay’addaha, iyada oo lagu amray in aanay cid aan haysan ogolaanshiyaha dal ku joogu aanay la sii shaqayn karin.

Waxaana sidan lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay taliska ciidanka laanta socdaalka Somaliland.

Waxaanu u dhignaa.”Taliska Ciidanka Socdaalka Jamhuriyadda somaliland wuxuu ku wargalinayaa Ajaanibka sifo sharci darro ah ku jooga dalka Somaliland in ay kaga baxaan muddo labatan (20) cisho ah oo ka bilaabma 28/07/2022 ilaa 17/08/2022.

Sidoo kale waxaa lagu wargalinaya shirkadaha, hay’addaha iyo ganacsata ay ka hawl’galaan shaqaale ajaanib ah, in ay ka shaqeeyan oo qudha ajaanibka haysta dalkujoog sax ah (Visa ama Qaxoonti).

Waxaa looga digaya goobta ganacsi, shirkad ama hay’ad ee lagu helo shaqaale bilaa sharci ku jooga dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka shaqeenaya, in laga qaadi doona talaabo sharciga waafaqsan mulkiilaha goobtaas.”.

May be an image of text