Somaliland oo Xabsiga dhigtay Shaqaalaha BBC Media Action ee Xafiiska Hargeysa

Hargeysa (aftahannews):- Ciidammada Booliska Somaliland, ayaa maanta Xabsiga u taxaabay Shan Xubnood oo ka tirsanaa Xafiiska BBC Media Action ee magaalada Hargeysa.

Shaqaalaha iyo Masuuliyiinta BBC Media Action ee Hargeysa maanta lagu xidhay waxay magacyadoodu kala yihiin:-

1-Maxamed Gaas Madaxa Xafiiska Somaliland
2-Cabdilaahi Jaamac Wariye ka tirsan Bbc Media Action
3- Samater Gaaxnuug
4- Axmed Faa’iz oo ah filim-qaade iyo editor.
5- Yaxye oo ka tirsan Xafiiska Gadiidka. Kuwaas oo ku xidhan magaalada Hargeysa.

Xukuumadda Somaliland, ayaa dhawaan sheegtay inay hakisay Shaqada BBC-da ee dalka Somaliland, waxaanu toddobaadkii hore Wasiirka Warfaafinta Somaliland u jeediyey BBC eedeymo aan faahfaahsanayn oo uu tilmaamay inay Qarannimada Somaliland ka dhan yihiin.