Puntland oo sii daysay Rag loo haystay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab iyo Daacish

Boosaaso (Aftahannews)- Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee maamul goboleedka Puntland, ayaa maanta sii daysay 14 nin oo loo haystay inay ka tirsanaayeen ururada Al-shabaab iyo Daacish, kuwaas oo muddo ku xidhnaa xabsiga Boosaaso.

Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland, Gaashaanle Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sheegay in raggani baadhis kadib lagu waayay dambiyadii lagu soo oogay.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay u xidhnaayeen tuhumo la xidhiidha inay ku lug lahaayeen dilal iyo qaraxyo ka dhacay magaalada Boosaaso, halka qaar kalena loo haystay inay xidhiidh la la haayeen rag laamaha amnigu ku raad joogaan qabashadooda.

Xeer ilaaliyuhu wuxuu sheegay inay la noqdeen dacwaddii ay ka soo gudbiyeen eedeysanayaasha, isagoo sheegay in dambi baadhistu xaqiijiyeen in aanay raggani wax lug ah ku la hayn kooxaha lagu eedeeyay inay ka tirsan yihiin.

Magacyada dadka la sii daayay.

Cabdullaahi Cabdiraxmaan Shirwac laahoor.

Siciid Cumar Cali (33 jir ah)

Ciise Axmed Ciise (60 jir ah)

Jaamac Xuseen Yuusuf (40 jir ah)

Maxamed Siciid Cubayd (30 jir ah)

Xuseen Maxamed Cismaan (40 jir ah)

Nuur   Cabdi Aadan (25 jir ah)

Farxmaan Ismaaciil Daahir

Cabdullahi Ibraahim Aadan

Aadan Macalin Ibraahim

Cabdi Xuseen Yuusuf

Yuusuf Sanweyne Cali

Maxamed Macalin Cabdullahi