Diyaarad Hub siday oo ku burburtay dalka Giriiga

Kavala (Aftahannews)- Wasiirka gaashaandhiga ee Serbia, ayaa Axadda maanta ah sheegay in dhammaan siddeed shaqaale diyaarad xamuul ah oo ku burburtay meel u dhow magaalada Kavala ee dalka Greece ay dhinteen.

Nebojsa Stefanovic, ayaa sheegay in diyaaradda Antonov AN-12 oo laga lahaa Ukraine ay habeenkii Sabtida burburtay waxayna sidday 11 tan oo hub ah oo ay miinooyin ku jiraan oo laga keenay Serbia loona waday Bangladesh.

Muuqaal ay goobjoogeyaal ku baahiyeen baraha bulshada, ayaa muujinaya dab weyn oo ka holcaya diyaaradda xilliga ay dhulka ku dhaceysay.

Mas’uul sare oo ka tirsan shirkadda diyaaradaha xamuulka ee meridian ee Ukraine, ayaa u sheegay warbaahinta DW ee Jarmalka in dhammaan shaqaaha diyaaraddu ay u dhasheen Ukraine.