Sheekh Aadan Siiro oo Maanta lagu aasay Magaalada Hargeysa

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa maanta xabaalaha Baqiic ee waqooyiga magaalada Hargeysa aas heer qaran ah loogu sameeyay allaah ha u naxariistee Marxuum Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo ka mid ahaa culimada caanka ka ah Somaliland iyo guud ahaan gayiga Soomaalida.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan Siiro) oo, ayaa 13-kii bishan ku geeriyooday dalka Hindiya, isagoo u joogay xaalad caafimaad oo uu la daala dhacayay sannadihii u danbeeyay, isaga oo ka cabanayay xanuunka macaanka oo saamayn xun ku yeeshay, iyadoo marar kala duwan uu caafimaad u tagay isla dalka Hindiya sannadihii u danbeeyay.