Dagaal xoogan oo ka socda degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan

Beledweyne (Aftahannews)- Wararka laga helayo gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogaga Al-Shabaab uu haatan ka socdo duleedka degmada Matabaan, kaas oo la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka, ayaa ka yimid, kadib markii ciidamada Soomaaliya ay howlgal ku qaadeen deegaanka Qabno oo hoostaga degmada Matabaan ee gobolkaasi.

Wararka, ayaa sheegaya in iska hor imaad u dhexeeya labada dhinac uu ka qarxay halkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan, sida ay shaaciyeen dadka deegaanku.

Ciidamada weerarka qaaday, ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gudaha u galeen deegaanka Qabno oo ay barkoontarool oo lacago ay ku qaadaan ku leeyihiin Al-Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku aadan dagaalkaasi, gaar ahaan howlgalka ay ka wadaan duleedka degmada Matabaan.

Weerarkan, ayaa waxaa ka horreeyey qarax saaka wariyeyaal iyo ciidamo uu horkacayey gudddoomiyaha gobolka Hiiraan lagula beegsaday agaarka degmada Matabaan, waxaana qaraxaas ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Ugu yaraan afar qof oo laba ka mid ah ay shacab yihiin, ayaa lagu dilay qaraxaas, seddex kale oo laba wariye ay ku jiraana waa lagu dhaawacay. Dadka dhintay waxaa ay ahaayeen laba askari, darawalkii gaadhiga iyo nin farsamo yaqaan ah.

Wariyeyaasha dhaawacmay, ayaa waxaa ay ka tirsan yihiin Telefishinka maamulka HirShabelle.