Wadahadalladii Madaxweyne Biixi iyo Mucaaradka oo dib loo furayo

Hargeysa (Aftahannews)- Maayarka magaalada Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge iyo Siyaasi Cali Warancadde, ayaa waxaa ay sheegeen in dib loo bilaabayo wadahadalladii fashilmay ee u dhexeeyay madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiyada Mucaaridka.

Maayarka Hargeysa iyo Siyaasi Cali Warancadde oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in kadib kulan ay la qaateen madaxda mucaaradka ay isla meel dhigeen arrimo ay kamid yihiin siidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadalada.

“Waxa kale oo xusid mudan in la yaqiinsaday in lasii amba qaado wadahadaladii siyaasadeed … dadkuna anay moodin in albaabkaa wadahadalku uu xidhmay, odayaasha is xilqaamay, iyo odayaashii kale ee ka horeeyay iyo guurtideena J. Somaliland intuba iyaga oo doorarkooda kala duwan qaadanaya in ay ka shaqeeyaan in wadahadaladii dib u bilaabmaan” ayuu yidhi maayar Mooge.

Maayar Mooge, ayaa dhinaca kale sheegay in ay xal ka gaadheen sugida amniga madaxda mucaaradka, iyo in ay helaan ciidan sharci ah oo ilaaliya sidii caadiga ahayd, isla markaana meesha laga saaro cidkasta oo kale oo sharci daro ah.

Geesta kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo qoraal kooban soo dhigay bogiisa Twitter-ka, ayaa waxaa uu sheegay in aanay waxba ka ogayn dhexdhexaadinta Maayar Mooge iyo Warancadde.