Somaliland oo Beesha Caalamka u dirtay fariin ka dhan ah mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews)- Fariin lagu baahiyay boga wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayay xukuumadda Somaliland beesha caalamka ugu sheegtay in ay ka xuntahay khasaarihii ka dhashay mudaharaadyadii subaxdii Khamiista ay xisbiyada mucaaradku ku qabteen Hargeysa.

“Xukuumadda Somaliland waxa murug galiyay dhacdadii ka dhacday Hargeysa, halkaasi oo mucaaradku ay soo abaabuleen mudaharaado sharci daro ah, kuwaasi oo ka hor imanaya sharciga iyo qawaaniinta Jamhuuriyada Somaliland”.ayaa lagu yidhi fariinta.

Waxa kale oo lagu sheegay fariintan beesha caalamka loo diray in Somaliland ay ogtahay isla markaana qirsantahay taageerada beesha caalamku ka gaysato geedi socodka dimuquraadiyada Somaliland.

“Ka wasaarada arrimaha dibada ee dowlada Somaliland ahaan, waanu qirsanahay taageerada ay beesha caalamku ka gaysato habsami u socodka dimuquraadiyada Somaliland” ayaa lagu yidhi fariinta.

Waxay fariintu intaa ku dartay in xukuumadda Somaliland ay ilaalinayso nabadgalyada muwaadiniinteeda, isla markaana, ay ka go’an tahay sii wadista wadahadaladii u socday axsaabta mucaaradka Somaliland, mucaaradkana ay ku dhiirigalinayso in ay kusoo noqdaan.

“Ka dowlad ahaan waxaanu balan qaadayna nabada iyo badqabka muwaadiniintayada, waxaanu sii wadaynaa wadahadaladii socday, mucaaradkana waxaanu ku dhiirigalinaynaa in ay wadaan wadahadalada”ayaa lagu yidhi fariinta.