Somaliland oo ka qayb-gashay shirka Isreal iyo dalalka Afrika

Paris (Aftahannews)- Wargeyska Times Of Isreal, ayaa baahiyey War ku saabsan kulan Isreal muhiim u ah, kaasi oo ujeeddada looga dan lahaa ahayd in dib loo soo nooleeyo xidhiidhka Isreal iyo Dalalka Afrika.

Shirkan oo ka dhacay Magaalada Paris isla-markaana ay soo qaban-qaabisay Safaaradda Isreal ee Magaalada Paris, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka ka socday dalalka Afrika, sida Mali oo aan aqoonsanayn Dawladnimada Isreal, Morocco iyo Somaliland.

Times Of Isreal, ayaa ku warramay in shirkan oo salka ku haya Qorshaha loo yaqaano “Abraham Accord’ oo uu ka shaqeeyay Madaxweynihii hore ee Maraykanka Doland Trump isla-markaana la doonayo in Isreal ay xidhiidh macno leh la yeelato dalalka Afrika iyo dunida Muslimka, ayuu sheegay in shirkaa uu Malli ku matalayey Wasiirkeeda Arrimaha dibedda oo khudbad ka jeediyey shirka oo hal Maalin socday.

Warka, ayaa intaa ku daray in Somaliland oo aan xidhiidh la yaqaan ka dhaxaynin Isreal uu shirkaa ku matalayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Laakiin, Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Somaliland, ayaan la ogayn inuu shirkaa goob-joog ka ahaa iyo inuu kaga qayb-galay Isgaadhsiinta la iska arko ee loo yaqaano “Zoom”.