Taliyaha Ciidamada Burundi oo soo gaadhay Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Taliyaha Ciidanka xoogga Soomaaliya, Gen Odowa Yuusuf Raage, ayaa magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Taliyaha Ciidanka xoogga ee dalka Burundi, Genaraal Niyingabo oo safar shaqo ku yimid Soomaaliya.

Kulanka, ayaa waxaa lagaga hadlay arrimaha Amniga, gaar ahaan sidii Ciidamada Xoogga iyo Howlgalka ATMIS u xoojin lahaayeen iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Burundi, ayaa ka mahad celiyay soo dhoweynta loo sameeyay, isaga oo ballan qaaday in labada dhinac ay si wadajir ah uga wada shaqeyn doonaan la dagaalanka Al-shabaab.

Kulanka, ayaana ku soo aadaya xilli, dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay bil ka hor weerar ka dhacay deegaanka Ceel-baraf ee gobolka Shabeellad Dhexe ku dileen in ka badan tobanaan oo ka tirsan Ciidamada Burundi ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya.

https://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2022/06/FB_IMG_1654538755447.jpg

https://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2022/06/FB_IMG_1654538028547.jpg

https://radiokulmiye.net/wp-content/uploads/2022/06/FB_IMG_1654538021218.jpg