Shir lagaga Hadlayo Nabadda iyo Dowlad-dhiska Afrika oo Somaliland ka Furmay

Hargeysa (aftahannews):- Shir caalami ah oo lagaga hadlayo nabadda iyo dawlad-dhiska Afrika, ayaa maanta ka furmay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waxaana ka qaybgalay Madax iyo Ergo ka kala socda 17 waddan.

Shirkan caalamiga ah, waxa soo qabanqaabiyey Machadka The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills, isla markaana fadhigiisu yahay dalka Koonfur Afrika.

Shirkan oo diiradda lagu saarayo nabadda iyo dowlad-dhiska Afrika, ayaa lagu soo marti qaaday dad iskugu jira cilmi baadhayaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimid illaa 17 waddan. Shirkan ayaa sannadkasta lagu casuumaa waddamada Afrika ee muhiimka u ah nabadda iyo deggenaanshaha.

Dr. Greg Mills oo ka warramay ujeeddada shirka, ayaa sheegay in shirkani yahay mid muhiim ah oo lagaga hadlayo amniga iyo dhismaha dawladnimada Afrika. Waxaanu tilmaamay inuu Shirkani yahay kii ugu horreeyey ee Machadkani ku qabto dalalka Geeska Afrika, isla markaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, sida madaxtooyada Somaliland sheegtay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu shirka daahfuray, ayaa ka sheekeeyay taariikhda dheer ee ay Somaliland soo martay, dagaaladii, nabadayntii iyo dib u dhiskii, madaxweynaha ayaa sheegay in nabada Somaliland ay ku guulaysatay kadib markii khilaafaadka lagu xaliyay heer bulsho.

“Sida la wada ogsoonyahay Somaliland waxay ku guulaysatay inta badan xalinta khilaafaadka iyo qaran dhiska, taasi oo ay u sababtahay sida joogtada ah ee diirada loo saaray ku xalinta khilaafka heer bulsho, kahor inta aan laysku dayin in lagu xaliyo heer qaran.” ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Shirkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee lagu qabto waddamada Geeska Afrika, iyadoo uu machadka shirkan soo abaabulay Somaliland sannadkan u doortay in shirkan lagu qabto, maaddaama oo nabadgelyo fiicani ka jirto Somaliland.