Cabdiweli Gaas oo ka sheekeeyay sida uu xaalkiisu noqday markii uu labo jeer ku guul darraystay xil uu u tartamay

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas
Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay in siyaasiga marka uu xil u tartamayo aanu miyir qabin, taasi oo horseeda in xiligaas uu seego tallooyin muhiim u ah.

Cabdiweli Gaas oo wareysi siiyay BBC-da, ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqay in siyaasadda Soomaaliya ay tahay sida khamaarka oo kale.

“Nasteexada ugu fiican haddii lagu siiyo xitaa ma qaadanaysid oo taada ayaa kuu cad, dadku iyaga oo u jeeda inaanay guulaysanayn, xitaa mararka qaarkood adiga oo markaad xisaabtanto ujeeda in aad guul daraysanayso ayaad kusii adkaysaneynaa, marka siyaasaddu waa khamaar,” ayuu yidhi.

Sidoo kale, waxa uu ka sheekeeyay sida uu xaalkiisu noqday markii uu laba jeer ku guul daraystay xil uu u tartamayay, kuwaasi oo kala ahaa Madaxweynaha Soomaaliya iyo Puntland.

“Runtii waa iga dhab labada xilba markaan waayey ayuu miyirku ii soo laabtay, horta fiiri qofka marka uu tartan ku jiro miyir ma leh sow ma ogid.”

Gaas, ayaa ugu dambeyntiina mar wax laga weydiiyay xilalka sare uu soo qabtay, ayaa sheegay in tii Ra’iisal Wasaaraha ay ahayd shaqo fudud, marka loo eego shanti sano ee uu madaxweynaha ka ahaa Puntland.

“Waxaan ahaa nin reerkiisa ku dhex jira, anigu waxaan idhaahadaa horta siyaasadda Soomaalidu waa dabdamis, mar kasta waxaad ku dhex jirtaa xaalad dab damis ah, labaduba sidaas ayey ahaayeen, balse aniga tii Ra’iisal wasaaraha ayaa ii shaqo fududeyd.”