Ra’iisal wasaare Rooble oo magacaabay guddiga xafladda caleema-saarka madaxweyne Xasan Sheekh

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’isal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa magacaabay guddiga amniga xafladda caleema-saarka madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo ka kooban toddoba xubnood oo iskugu jira wasiirro iyo saraakiisha ciidamada, iyo agaasimaha NISA.

Sida lagu sheegay war ka soo baxay xafiiska Ra’isal Wasaaraha, wasiirka Amniga Qaranka Cabdullahi Maxamed Nuur ayaa noqonaya guddoomiya guddigan, waxaana xubno ka ah, wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jamac) Wasiirka duulista Durraan Faarax, wasiirka caddaaladda Xasan Xaaji Xuseen, taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odowaa Yususf Raage, taliyaha booliska General Cabdi Xasan Xijaar iyo agaasimaha hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka ee NISA Mahad Salaad.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdishu 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay ka soo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.