Qiimaha shidaalka adduunka oo mar kale sare u kacay

London (Aftahannews)- Qiimaha Shidaalka adduunka, ayaa sare u kacay ka dib markii madaxda Midowga Yurub ay xalay ku heshiiyeen in Ruushka laga mamnuuco soo dejinta Shidaalka.

Saliida Brent, ayaa kor u kacday oo halkii foostaba ay gaadhay 123 dollar maalintii Salaasada, waana heerkii ugu badnaa ee uu gaadhay muddo laba bilood ah.

Qiimaha saliidda iyo gaaska, ayaa sare u kacay bilihii la soo dhaafay, taas oo ay uga sii dareen dagaalka Ukraine.

Shidaalka Ceyriinka Brent, ayaa kor u kacay in ka badan 70% sanadkii la soo dhaafay.

Cunaqabataynta Ruushka ay ku soo rogeen midowga Yurub, ayaa hadda uga sii dartay xaalada, hadda 40% qiimihii saliidda Midowga Yurub ayaa mar kale kor u kacay.

Ruushka, ayaa 27% soo saara saliidda ay isticmaalan wadamada EU-da.