Xiisadda siyaasadeed ee Somaliland oo sii xoogaysatay iyo mucaaradka oo war horleh soo saaray

Hargeysa (Aftahannews)- Waxaa marba marka ka danbaysa sii xoogaysanaya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Somaliland, taasi oo ka dhalatay muranka hadheeyay doorashada Somaliland oo ay isku hayaan mucaaradka iyo xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Xiisadda, ayaa waxaa uga sii daray markii garabka mucaaradka uu shaaciyey inay qabanayaan dibad-bax weyn oo lagaga soo horjeedo Madaxweynaha, balse waxaa diiday qorshahaasi xukuumadda oo ka hortimid, iyada oo sheegtay in dano gaar ah laga leeyahay.

Dooda mucaaradka, ayaa ah in doorashada wakhtigeeda lagu qabto, taas oo ku beegan 13-ka November 2022, waxayna ku eedeeyeen Madaxweyne Biixi inuu ku howlan yahay muddo kororsi.

Hadaba, masuuliyiin ka tirsan Xisbiyada mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in ay isku diyaarinayaan mudaharaad xili ciidanka booliiska heegan buuxa la galiyay.

Masuuliyiintan ka tirsan mucaaradka, ayaa sidoo kale sheegay in ay guddi u saareen qaban qaabada mudaharaadyo ay balan qaaden in ay qabanayaan, xili ay xukuumadda Madaxweyne Biixi isku afgaran waayeen nidaamka loo maamulayo mudaharaadka.

“Arrinkaa mudaharaadku wuu socdaa wuu dhacaya ku biyo caba, guddidi qaban qaabada ayaa gacanta ku haysa, ku biyo caba, sifo sharci ahna waanu u marayna” ayuu yidhi Xoghayaha warfaafinta ee Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi.

Xoghaye Yuusuf Kayse, ayaa xukuumadda Kulmiye ku eedeeyay sharci jabin, isaga oo sheegay in sharcigu xiil uga baahanyahay shacbiga Somaliland, waxa kale oo uu shacbiga ugu baaqay in ay isku diyaariyaan doorashada madaxtooyada.

“Waxa is haysta sharcigii Somaliland iyo xisbiga Kulmiye, kaasina wuxuu inooga baahanyahay hiil … waxaan leeyahay shacbiga Somaliland aan u diyaar garowno doorasho, xisbiga Kulmiye 10 sannadood oo uu shacbigan ragaadiyay ayuu haystay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Hadalkan masuuliyiinta mucaaradka, ayaa ku soo beegmaya iyada oo Ciidanka Booliiska Somaliland, saaka la geliyay heegan buuxa, kadib dibad-baxyada ay ku baaqeen hoggaamiyeyaasha xisbiyada mucaaradku.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Somaliland Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale, ayaa waxaa uu ciidanka Booliska faray in ay gacan adag ku qabtaan cidkasta oo ku kacda wixii ka dhan ah amniga dalka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan balse xaaladda Somaliland, ayaa u muuqata mid sii cakirmaysa, waxaana fashil ku soo dhamaaday wada-hadalladii u socday xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadda, iyada oo kulankii ugu dambeeyey lagu kala kacay.