Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkiisii ugu horreeyay ku tagay Baydhaba

Baydhaba (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waxaa uu maanta safarkiisii ugu horreeyey ee gudaha Soomaaliya ku tagay magaalada Baydhaba ee xarunta ku-meel gaadhka ah maamulka Koofur Galbeed.

Safarkan, ayaa la sheegay inuu qayb ka yahay socdaal uu madaxweynuhu ku tegi doono maamul goboeedyada oo loogu magacdaray “Tareenka Nabadda”.

Madaxweynaha iyo Wefdigiisa, waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Baydhaba ku soo dhaweeyay Shacabka Dowlad Gobolleedka Koonfur Galbeed iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa inta uu Baydhaba ku marayo booqashadiisa sidoo kale diiradda saari doona arrimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, abaaraha, iyo xasillooni siyaasadeed.

Madaxweynaha, ayaa waxaa safarkiisa ku weheliya mas’uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada ee xilka kasii degaya iyo xildhibaanno.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa xafladda caleemo-saarkiisa ay ka dhici doontaa magaalada Muqdisho 9-ka bisha Juun, xafladdaasi oo la filayo inay ka soo qaybgalaan madax kala duwan oo gudaha iyo dibedda ka kala socota.

May be an image of one or more people, people standing and outdoors

May be an image of 5 people, people standing and outdoors

May be an image of 10 people, people standing and outdoors

May be an image of 5 people, people standing and outdoors