Mucaaradka Somaliland oo ku adkeysanaya qabashada dibadbax xukuumaddu mamnuucday

Hargeysa (Aftahannews)- Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland ee UCID iyo Waddani, ayaa waxaa ay weli ku adkaysanayaan inay Sameynayaan dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, iyagoo magacaabay gudi ka kooban 15 xubnood.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in anay waxba ka jirin eedaynta wasiirka, waxa uu sheegay in anay arrinta urrurada kala hadal madaxweynaha Somaliland, isla markaana ay kaliya ka wadahadleen qabashada doorashada madaxyooyada.

Xirsi waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay faragalin ku hayso guddida doorashooyinka oo ay xubnaha ku caddaadinayso in ay is casilaan, waxaanu taageerayaasha mucaaradka ugu baaqay in ay ka falceliyaan ficilada xukuumada, oo ay mudaharaad iskugu soo baxaan, marka loo baahdo.

Xisbiyada mucaaradka, ayaa wasaaradda arrimaha gudaha u gudbiyay warqad ay ku dalbadeen muddaharaad salmi ah oo ay kaga soo horjeedaan dib u dhac ku iman kara doorashada madaxtooyada iyo farogelin ay Xukuumadda ku eedeeyeen inay ku hayso Guddiga doorashooyinka Qaranka.

Haseyeeshee, Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, ayaa sheegay in warqadda ay mucaaradku ku dalbadeen mudaharaadka, aanay u dhammaystirnayn shuruudihii looga baahnaa, sida in lagu xuso sababta, goobta iyo wakhtiga la qabanayo muddaharaadka.

Haddaba Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xasan, ayaa go’aankooda ku aadan mudahaardyada ay ku adkaysanayaan ee ay kaga soo horjeedaan dib u dhac ku iman kara doorashada madaxtooyada uga waramay idaacada VOA.

Hoos ka dhagayso waraysiga