Maxay ka wadahadleen Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ergeyga Midowga Yurub?

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay wefdi ay hoggaamineyso Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika Annette Weber.

Kulanka, ayaa waxaa lagaga wadahadlay dib u soo celinta taageerada Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyadoo soo bandhigtay sida ay uga go’an tahay Midowga Yurub garab istaagga siyaasadda iyo qorsheyaasha horumarineed ee Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xusay in la sii amba-qaadi doono, islamarkaana la horumarinayo qorsheyaasha dib u habeynta hannaanka maaliyadeed ee Soomaaliya, si loo dhammeystiro dhammaan shuruudaha ku xeeran arrimaha deyn cafinta ee Soomaaliya.

Kulankan, ayaa sidoo kale waxa ku wehlinaysay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Tiina Intelmann.