Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo shaaciyay hal arrin oo uu dadaal badan gelin doono

Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho (Aftahannews)- Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo Madaxweynaha Soomaaliya shalay u magacaabay ergayga gaarka ah ee arrimaha Bani’aadamninada Soomaaliya, ayaa sheegay in uu dadaal badan gelin doono wax ka qabashada xaalada abaareed ee Soomaaliya, islamarkaana ay ka hortagi doonaan inta ayna isku badalin Macaluul.

“Waa u guntan doona in aan dadka Soomaaliyeed wax alaale iyo wixii aan gaadhsiin karo gaadhsiino, inta ayna isku bedelin Macaluul aan ka hortagno. Dowladdana waxaa ka rajeynayna in aan garab buuxa ka helno hay’addaheeda kala duwan, adduunkana aan ka helno,” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in maadama Soomaaliya ay ku jirtay xili kala-guur ah ayna jirin taageero ay beesha caalamka ka geysatay xaalada aabaareed ee Soomaaliya, islamarkaana uu taas ka howl-gali doono sida ugu dhaqsaha badan.

“Mas’uuliyada aad na-saartay (Madaxweyne) waxaa ugu shaqeyn doona si niyad ah Umadda Soomaaliyeed oo adduunka u jeedino baaqiisa, oo dadka Soomaaliyeed gudaha iyo dibeddaba isku xidhkaas aad na-saartay mas’uuliyadeeda.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kamid ahaa musharixiintii mucaaradka ee ka qayb-galay doorashadii madaxtinimada ee Soomaaliya ka dhacday 15-kii bishan May, taas oo uu ku soo baxay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.