In ka badan 4,000 oo Qof oo lagu Xidhay Gobolka Amxaarada

Addis Ababa (Aftahannews)- Warbaahinta maxalliga ah ee gobolka Amxaarada ee woqooyiga Itoobiya, ayaa sheegaya in in ka badan afar kun oo qof la xidhay, taasoo qeyb ka ah olole ballaadhan oo ay maamulku kula kacayaan dagaalyahannada maleeshiyadaha halkaasi ka dagaallanta, kuwa dhaleeceeya iyo saxaafadda.

Sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida gobolkaas (Desalegne Tasew), ayaa sheegay in in ka badan laba boqol oo eedeysanayaal ah lagu eedeeyay dilal iyo falal kale oo sharci darro ah oo ay geysteen koox maleeshiyaad ah oo loo yaqaan Fano.

Ciidamada Axmaarada iyo Maleeshiyada Fano, ayaa sanadkii hore ku taageeray ciidamada federaalka olole ka dhan ah jabhada Tigreega, balse xidhiidhka u dhaxeeya masuuliyiinta deegaanka iyo dowladda dhexe ayaa xumaaday.

Laba ka mid ah shirkadaha warbaahinta ee Amxaarada, ayaa waxaa ay sheegeen in sagaal ka mid ah shaqaalahooda la xidhay.

Xadhigan, ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulka Axmaarada ay dadaal ugu jiraan sidii loo diwaan galin lahaa lahaanshiyaha hubka, wax ay ku sheegeen dadka dhaliila inay tahay isku day lagu doonayay in hubka lagaga dhigo Fano.