Musharrax Cirro: “Cidda is hor taagta doorashada Madaxtooyada, ayaa Somaliland Xumaynaysa..”

Hargeysa (aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbig Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa ka digay in doorashada madaxtooyada Somaliland dib u dhacdo.

Cirro, ayaa sheegay in cidkasta oo hor istaagta doorashada madaxtooyada Somaliland, ay xumaynayso Somaliland, isaga oo sheegay in masuuliyadda qabashada doorashadu ay madaxwaynaha saaran tahay.

“Cida tidhaahda tartami maysaan oo sanduuqa la dhigi maayo ayaa Somaliland wax ka xumaynaysa, xilkuna inama wada saarna ee waxa uu saaranyahay madaxweyne Muuse Biixi, waar bal hadaba ogaada, shacbiga Somalilandow”. Sidaa ayuu yidhi Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu sheegay in labada Xisbi Mucaarad ay diyaar u yihiin in la guda-galo, u diyaargarowga doorashada madaxtooyada, isla markaana la soo afjaro khilaafka.

“In si dhakhso ah loo bilaabo wada hadalka waa u diyaar labada xisbi, diwaangalinta waa u diyaar, doorashada waa u diyaar, in xal si dhakhso ah looga gaadho muranada hadheeyay doorashada waa u diyaar”. ayuu yidhi Cirro.

Cirro oo tuhunsan in xukuumadu ku lug leedahay khilaafka guddida doorashooyinka ayaa ku baaqay in aan la faragalin guddida.

“Waa in koomishanka doorashooyinka qaranka la daayo, fara farayntana laga daayo, loona ogolaado in ay howshoodii bilaabaan”. Sidaa ayuu yidhi Musharrax Cirro.