Al-Shabaab oo weerar ku galay Saldhigga Ciidamada ATMIS ee Ceel Baraf

Jowhar (Aftahannews)- Wararka ka imanaya gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa sheegaya in maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyiiin ciidmada Midowga Afrika oo ku yaalla tuulada Ceel Baraf oo ilaa 65km dhinaca Waqooyi ka xigta magaalada Jowhar.

Laba ilo wareed oo kala duwan oo mid hore ula soo shaqeeyey laamaha amniga, kan kalena dawladda Soomaaliya ka tirsan yahay balse codsaday inaan magacooda la sheegin sababtoo ah idan uma haystaan inay arrintan ka hadlaan, ayaa u sheegay VOA in maleeshiyada Al-Shabaab ay galeen saldhigga.

Hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, ayaan weli ka hadlin weerarkan. Sidoo kale taliska ciidanka Soomaaliya ayaan ka hadlin weerarkan, hase yeeshee warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa tebisay inay ciidamada Midowga Afrika dib iskaga waabiyeen weerar uga yimid Al-Shabaab.

Ururka Al-Shabaab, ayaa warbaahintooda ku sheegay inay weerarkan u adeegsadeen qarax ismiidaamin ah. Waxay kaloo sheegteen inay tobannaan askar ah oo ka tirsan ciidamada Burundi dileen, taasi oo aan si madaxbannaan lo xaqiijin.

Ceel Baraf, ayaa ka mid ah dhowr deegaan oo ciidamada ka socda Burundi ee ka tirsan AMISOM ay u leeyihiin saldhigyo.

Weerarkan, ayaa noqonaya kii ugu horreeyay ee laxaadkaas leh oo Al-Shabaab ay ku qaadaan saldhigga ay leeyihiin ciidamada ATMIS tan iyo markii laga beddalay magacii ay hore ugu howlgali jireen ee AMISOM, dhammaadkii bishii March.

Hawlgalka cusub ee ATMIS oo uu ansiixyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ka yimid wadaxaajod ay wada yeesheen dowladda Soomaaliya iyo mas’uuliyiinta Midowga Afrika. Waxayna ku heshiiyeen in ciidamada Midowga Afrika ay si dhow ula shaqeeyaan ciidamada Soomaalida, islamarkaana hawlgallo lagu qaado Al-Shabaab, kuwaasi oo degaanno cusub lagaga xoraynayo.

Sida ku qoran heshiiskaas, waxaa sidoo kale ay labada dhinac ku heshiiyeen in si tartiib ah loo dhimo tirada ciidamada ATMIS ilaa ugu dambayn ay waddanka ka baxaan dhammaadka 2024-ka. Sidoo kale ciidamada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay mas’uuliyadaha badankooda la wareegaan dhammaadka sannadka dambe.