Xoghayaha Xisbiga Ucid oo Madaxweyne Biixi ku dhaliilay Xuska Maalinta SNM oo aanu ka qayb-gelin

Hargeysa (Aftahannews) – Xoghayaha Guud ee Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID Muj. Ibraahim Cabdi Xuseen oo ku hadlayey afka Xisiga, ayaa maanta ka soo qayb-galay munaasibad ballaadhan loo sameeyey 41-guurada Xuska maalinta Shuhadada SNM oo Hargeysa ku qabsoontay.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID oo hadal ka jeediyey munaasibadda, ayaa ku dheeraaday qiimaha ay leedahay xuska maalinta shuhadada SNM iyo sida ay u mudan tahay in Xukuumadda iyo Shacbiga Somaliland-ba weyneeyaan xuskeeda.

Waxa uu mujaahidku ka sheekeeyey dhacdooyin uu goob-joog u ahaa xilligii uu socday halgankii ay shuhadada SNM kaga soo horjeedeen nidaamkii dowladeed ee Maxamed Siyaad Barre, waxaanu tilmaamay in Shuhadadii halganka ku shahiidday, agoontii ay ka tageen iyo kuwii ku naafoobayba duco iyo daryeel gaar ah u baahan yihiin.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UCID waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in xuska maalintan oo kale uu ka maqnaado ama aanu ka soo-qayb-galin madaxweynaha Somaliland oo uu sheegay in lagu tiriyo shaqsiyaadkii udub-dhexaadka ah u ahaa halgankaas.

Hadalka Xoghayaha Guud ka jeediyey Xafladda loo sameeyey Xuska maalinta Shuhadada SNM, kaga bogo muuqalka Hoose