Maxkamada ICC oo loo gudbiyay Dacwad ka dhan ah Farmaajo iyo Saraakiisha NISSA

Nairobi (Aftahannews) – Cabdullaahi Maamed Nuur (Nasri) oo ahaa sarkaal ka tirsanaa sirdoonka Jubbaland, ayaa sheegay inuu maxkamadda ICC u gudbiyay dacwad ka dhan ah Farmaajo, Fahad Yaasiin, Yaasiin Farey iyo shakhsiyaad kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Cabdullahi Nasri oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi, ayaa sheegay inuu caddaalada la maridoono cid walba oo ku lug lahayd xadhigii iyo dhibaatadii loogu geystay intii uu ku xidhnaa xabsiga Jilacow.

Wuxuu sheegay in maxkamadda ICC ay ka aqbashay dacwadiisa islamarkaana wuxuu sheegay bisha Ramadaan kadib in kiiskiisa uu gaadhidoono meel wanaagsan.

“Waxaan rabaa inaan caddaalada la koro, anigoo sharciga u maraya cid walba oo ku lug lahayd dhibkii la ii geystay iyo dambigii la iga galay, oo shaqisiyan aniga dhibaato caafimaad ii geystay, ayuu yidhi Coll Cabdullahi Nasri.

Wuxuu sheegay in kiiskiisa uu ugudbiyay safaaraddaha reer Galbeed ee  Soomaaliya arrimaheeda ku lugta leh, wuxuuna ka codsaday inay garab ku siiyaan in tallaabo laga qaado cid kaste oo ku lug lahayd kiiskiisa.

Kornaylkan, ayaa muddo laba bilood ah ku xidhnaa xabsiga Jilow, sannadkii 2019, wuxuuna wareysi uu bixiyay kaga sheekeeyay dhibaatooyin loogu geystay xabsigaasi.