Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo Caawa lagu Dilay Beledweyne

Beledweyne (Aftahannews)- Waxaa caawa magaalada Beledweyne lagu dilay Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo si weyn ugu doodi jirtay cadaalad u helidda kiiska Ikraan Tahliil.

Qof naftiisa haligay, ayaa la sheegay inuu isku qarxiyay Xildhibaan Aamina oo isla goobta ku geeriyootay. Waxaana gudaha magaalada goordhow laga maqlay qaraxii 3-aad.

Qaraxa labaad waxaa la xaqiijiyay in loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo lagu dhuftay gaadiid lagu siday dhaawacyada iyo meydadka Xildhibaan Aamina iyo askarteedii.

Xildhibaan hore Cali Cabdi Dhuxul oo ka mid ahaa musharaxiinta kursiga HOP#058, ayaa ka mid ahaa dadka lagu dilay qaraxa labaad, sidoo kale waxaa la xaqiijiyay dhaawaca wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Daahir Cismaan.

Jawiga magaalada, ayaa mar qudha is bedelay, waxaana wahada laga saaray guud ahaan korontadii magaalada, khasaaraha qaraxyadaan ayaan la ogaa karin, waxaana hakad gashay doorashada kursiga HOP#011 oo xerada Lamagalaay ka socotay.

Xildhibaan Aamina oo caawa la dilay, ayaa Beledweyne u tagtay inay u tartanto kursiga beesheeda oo hore ay ugu fadhisay, waxaana dilkeeda hadheeyay shaki badan, maadaama ay u dakanowday kiiska Ikraan Tahliil oo si hagar la’aan ah ay ugu doodi jirtay.