Ruushka oo lagu eedeeyey inuu 80 Qof Ku Duqeeyey Masaajid Ukraine ku yaalla

Martiupol (aftahannews):- Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ukraine, ayaa Sabtida maanta ah sheegtay in Masjid ku yaalla magaalada Dekedda leh ee Mariupol ee Koonfur-Bari ee dalkaasi oo gabbood ay ka dhiganayeen illaa 80 Qof oo rayid ah ay duqeeyeen Ciidammada Ruushku.

Dadkan Masaajidka Ciidammada Ruushku ku duqeeyeen, waxaa ka mid ah Muslimiin Turkiga u dhashay, sida ay baahisay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA oo soo xiganaysa Wakaaladda wararka ee AFP.

“Masjidka Sultan Suleyman the magnificent (Suldaan Suleymaan Al-Qaanuuni) iyo xaaskiisa Roxolana (Hurrem Sultan) ee Mariupol ayay Ruushku duqeeyeen. In ka badan 80 qof oo isugu jira dad waaweyn iyo caruur oo ay ku jiraan muwaadiniin u dhashay Turkey ayaa gabbaad ka dhiganayay.” sidaa ayay Twitter-ka ku qortay wasaaradda arrimaha dibedda ee Ukraine.

Wasaaradda, ayaan sheegin goorta ay duqeyntu dhacday. Wakaaladda AFP, ayaa sheegtay in ay la xidhiidhay wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ee Istanbul, oo u sheegtay in “aanay ka warqabin.”

Si kastaba ahaatee, safaaradda Ukraine ee Ankara, ayaa AFP u sheegtay in ay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ku wargelisay weerarkan, iyadoo aan sheegin goorta ay ku wargelisay iyo jawaabta ay ka heshay.

Isniintii, qunsuliyadda Turkiga ee magaalada dekedda leh ee Odessa ee koonfurta Ukraine ayaa Twitter-keeda ku qortay qoraal ay ku sheegtay in muwaadiniinta Turkiga ay gabaad ka dhigtaan masaajidka, si loogu daadgureeyo Turkiga.

AFP ayaa warisay in aysan u suurtogelin in ay hesho qunsuliyadda si ay warkan uga hadasho.

Jimcihii, safaaradda Ukraine ee Turkey ayaa wariyeyaasha u gudbisay qoraal uu Facebook ku qoray ku xigeenka duqa magaalada Mariupol, Petro Andryushchenko, kaasi oo qoray “ hadda 86 qof oo Turkish ah ayaa gabbaad ka dhiganaya masjidka. 34 ka mid ahna waa caruur.”

Saaxiibada iyo qaraabada Turkiyiinta ku nool Mariupol ayaa aad u walaacsan.

“Walaalkey, Sahin Beytemur, waxa uu Mariupol ku noolaa siddeed sano. Ma aanan maqlin warkiisa ilaa Sabtidii hore,” ayay walaashiis oo 38 ah u sheegtay AFP.

Qaar kale ayaa adeegsaday baraha bulshada si ay isugu dayaan in ay helaan halka ay ku sugan yihiin ehelladoodu.

Turkey ayaa saaxiib dhow la ah Ukraine laakin waxa uu sidoo kale diiday in uu xiriirka u jaro Moscow, waxaana uu xittaa isku dayay in uu dhexdhexaadiyo labada dhinac, isagoo qabtay kulankii u horreeyay ee wasiirada arrimaha dibadda ee Russia iyo Ukraine oo Khamiistii ka dhacay magaalada Antalya.