Sheekh Aadan-Siiro oo ku baaqay in Xuska 18 May la weyneeyo, Akhlaaqda Islaamkana la dhawro

Hargeysa(Aftahannews):- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), ayaa Khudbaddii Salaadda Jimce ee shalay oo uu ka jeediyey Masaajidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxa uu kaga hadlay dhinacyo kala duwan oo ay ka mid ahayd Xuska 18-ka May, waxaanu intaa ku daray in Akhlaaqda Islaamka la dhawro.

Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay inay muhiim tahay waynaynta dabbaal-degga 23-guurada ka soo wareegtay maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May oo uu dadweynaha reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan ugu baaqay inay u soo baxaan. Sheekh Aadan waxa uu soo jeediyey in la adkeeyo nabadgelyada, isla markaana la ilaaliyo akhlaaqda Islaamka oo aan laga badbadin Xuska loo baahan yahay ee aan dhaqanka iyo Diinta dhibaato ku keenaynin.

Halkan hoose ka daawo Khudbadda Sheekh Aadan-Siiro Salaaddii Jimce ka jeediyey Masjidka Xawaadle.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.