Tirada Tacaddiyada Kufsiga ah ee ka Somaliland oo Xawli u Kordhay

Hargeysa (aftahannews):- Tirada Tacaddiyada Kufsiga ah ee ka dhacaya dalka Somaliland, ayaa si xawli ah u kordhaya marba marka ka dambaysa, iyadoo muddo labadii bilood ee sannadkan 2022-ka ugu horreeyey oo keliya la diiwaangeliyey 17 Kiis oo Kufsi ah, sida ay Xukuumaddu shaacisay.

Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in tirrada Kufsiyada ka dhacaya dalka Somaliland ay aad u kordhayso marba marka ka dambaysa, iyadoo warbixinnada Boolisku Somaliland soo bandhigaan muujinayaan in tiradu kordhayso.

“Sannadka cusub oo bishii saddexaad aynu marayno 17 kiis ayaynu maraynaa, oo la hayaa, hadaynu 2 bilood 17 kiis hayno sannadka dhamaadkiisa immisa ayay noqonaysa? Dhawr boqol ayay noqonaysa!”  Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Wasiir Kaahin, ayaa warkan ku sheegay hadal uu ka jeediyey furitaanka Xafiiska la socodka Tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka iyo Carruurta oo laga hirgeliyey magaalada Hargeysa. Waxa kale oo Wasiir Maxamed Kaahin sheegay in Bulshada Somaliland hayso dariiq la wada ogyahay in ay ku burburayso Ummad ahaan haddii aan wax laga qaban Kufsiga, oo aan si dhakhso ah loo meel marin Xeerka Kufsiga oo hore loo ansixiyay.

“Madaama oo aynu hayno dariiq cad oo aynu ognahay in Bulshadeennu ku burburayso, waa in aynu sharciga ku tuntuunsannaa, Madaxweynuhuna wuu saxeexay, golaha Baarlamaankana waxaannu leenahay, Hablihii idin soo doortay in aydaan ka war wareegin sharcigooda weeye.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed.