Yurub oo Dunida ka raadinaysa Dal u beddeli kara Gaaska Ruushka

Europe (aftahannews):- Madaxda Yurub ayaa ka baaraandegaya meel kale oo ay ka heli karaan gaas u bedala kan Ruushka, xilli ay suuragal tahay in Moscow ay xirto dhuumaheeda iyadoo ka jawaabaysa cunaqabateynta la saaray duullaanka Ukraine awgiis.

Wasiirka arrimaha dibedda Talyaaniga, Luigi Di Maio, ayaa Isniinta maanta ah booqasho ku tegay caasimadda dalka Aljeeriya ee Aljeris, waxaana uu kulan la qaaday dhiggiisa Ramtane Lamamra iyo wasiirka tamarta, Maxamed Arkab.

Ujeedada socdaalka wasiirka Talyaaniga ayaa lagu sheegay inay si gaar ah u khuseyso arrinta tamarta si “Aljeeriya ay u kordhiso gaaska ay siiso Talyaaniga iyo guud ahaan Yurub.”

Talyaaniga ayaa kamid ah dalalka Yurub ee sida weyn ugu tiirsan shidaalka iyo gaaska uu soo dhoofsado, waxaana lagu qiyaasay in ku dhawaad 95% gaaska dalkaas laga isticmaalo uu dibadda uga yimaado. Ruushka ayaa 45% gaaskaas ka iibiya Talyaaniga sida uu Jimcihii baarlamaanka dalkaas u sheegay Ra’iisal wasaare Mario Draghi.

Talyaaniga iyo dalalka kale ee Yurub ayaa sidoo kale sahminaya gaaska ay ka heli karaan dalal ay kamid yihiin Azerbaijan, Tunisia iyo Liibiya, sida uu sheegay wasiir Luigi Di Maio.

Aljeeriya ayaa hadda dhoofisa 11% gaaska laga isticmaalo Yurub.

Madaxa shirkadda qaranka ee tamarta Aljeeriya (Sonatrach) Towfiiq Hakkar, ayaa sheegay in dalkiisa uu diyaar u yahay inuu kordhiyo gaaska uu ka iibiyo Yurub, uuna sii marsiiyo dhuun hoos marta badda Mediterranean-ka oo gaarta Talyaaniga.

“Sonatrach waa shirkad la isku halayn karoo o suuqyada Yurub gaarsiin karta gaas, si dalalkaas ay u maareeyaan xaaladda adag ee soo food-saartay,” ayuu warbaahinta dalkiisa u sheegay Hakkar.

Gaaska Ruushka

Markii uu Ruushka ku duulay Ukraine, dowladda Jarmalka ayaa joojisay mashruuca dhuumaha Nord Stream 2 ee lagu waday in Moscow ay gaaska ku gaarsiiso Jarmalka, ugana sii gudbo Yurub inteeda kale. Arrintaas ayaa dhalisay walaac ah in Yurub ay wajihi doonto gaas yari baahsan.

Qiimaha gaaska ee Yurub ayaa aad sare ugu kacay maalmihii la soo dhaafay, waxaana dowladaha uu cadaadis ka soo fuulay qoysaska dakhligoodu hooseeyo.

Hase yeeshee, waxaa su’aal laga keenay inuu jiro dal Yurub u buuxin kara kaalinta Ruushka. Wasiirkii hore ee tamarta Aljeeriya, Cabbdulmajid Attar, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP in keydka gaaska ee dalkiisa aanu waxbadan ka tari karin baahidda Yurub.

“Aljeeriya ma buuxin karto kaalinta laga baqayo inuu banneeyo Ruushka, waayo bilo kooban oo keliya ayay Yurub siin kartaa gaas dhowr bilyan oo cubic mitir ah,” ayuu yiri Al-Attar.

Shirkadda Sonatrach ayaa bishii January shaacisay in lacag dhan 40 bilyan oo dollar ay ku maalgelin doonto sahminta keydka shidaalka iyo gaaska dalkeeda, hawshaad oo socon doonta tan iyo sanadka 2026.

Hase yeeshee waxaa su’aal la geliyay siyaasadaha dibedda ee xukuumadda Aljeris. Bishii October 2021, Aljeeriya ayaa diiday inay cusbooneysiiso qandaraas ay la gashay Morocco oo ku aaddan dhuumaha gaaska ee dalkaas mara, kuna xira Spain.

Xukuumadaha Aljeris iyo Rabat ayaa waxaa ka dhexeeya khilaaf diblomaasi oo saameeyay xiriirka labada waddan.

Aljeeriya ayaa doonaysa inay sidoo kale kordhiso gaaska dareeraha ah ee lagu dhoofiyo maraakiibta, inkastoo khubarada dhaqaalaha ay tilmaamayaan in qaabkaas uu ka kharash badan yahay kan dhuumaha.

Xigasho BBCSOMALI.COM.