Madaxweyne Biixi oo ka Hadlay Cidda Shidaal keeni karta Somaliland & Xaaladda Abaaraha

Dacar-budhuq (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inay cid kastaa shidaal keeni karto dalka, waxaanu ka hadlay saamaynta xaaladaha Abaarta iyo dagaalka Ruushka iyo Ukrain ku yeelan karaan Somaliland. 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo maanta furay Biriij casri ah oo laga hirgeliyey Dooxa magaalada Dacar-budhuq ee degmada Laasgeel ka tirsan gobolka Maroodi-jeex, kaas oo ka mid ahaa Dooxyada ugu saamaynta badan Somaliland xilli-roobaadka, Dad iyo Gaadiid badanna galaaftay.

Dhawrkii sano ee u dambeeyey waxa Dooxa Dacar-budhuq qaaday 50 Qof iyo Gaadiidkii ay saarnaayeen, sida u sheegay Duqa degmada Laasgeel oo munaasibadda xadhig ka jarka ka hadlay maanta.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo hadal ka jeediyey furitaanka Biriijka, ayaa ugu horreyn u mahadnaqay Imaaraadka Carabta oo lacag sagaal boqoloo kun oo doollar ah ku maalgeliyey Biriijkaas iyo waddada Berbera kooridhoor qayb ka mid ah.

Madaxweyne Biixi waxa uu ka hadlay xaaladaha Abaarta oo uu sheegay inaanay gaadhin heer macaluul ah oo Dad u dhinteen, balse biyo la,aani jirto, gurmadkuna socda. 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu ka hadlay dagaalka Ukraine iyo Ruushku saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland.

Waxaanu sheegay inay wax ka beddeleen sharciga Shidaalka, isla markaana hadda laga bilaabo ay cid kastaa keeni karto Shidaalka oo ay Xukuumaddu hore ugu kootaysay Shirkadda Tarafigura.

Madaxweyne Biixi waxa uu Hay’adaha ammaanka faray inay tallaabo ka qaadaan cidda ganacsato ah ee xaraysa ganacsigooda iyagoo doonaya inay shacabka ku qaaliyeeyaan.