Maraykanka oo Sheegay inuu weeraray Saldhigyada Al-Shabaab ee Soomaaliya qaarkood

Somalia (aftahannews):-  Ciidammada dowladda Mareykanka, ayaa sheegay inay weerar dhanka Cirka ah ku qaaday fadhiisimo ay Xarakada Al-Shabaab ku leedahay deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya.
Weerarka, ayaa lagu difaacayay ciidammo dowladda federalka Soomaaliya ka tirsan oo lagu weeraray  meel u dhow tuulada Dudubley ee gobolka Hiiraan.

Ciidammada Maraykanka, ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, sida lagu sheegay war-saxaafaddeed kasoo baxay taliska Maraykanka ee AFRICOM.

Taliska AFRICOM ayaa sheegay inay qiimaynayaan khasaaraha ka dhashay weerarka, wuxuuna si horudhac u sheegay in aysan jirin dad rayid ah oo ku dhaawacmay ama ku dhintay duqeyntan.

“Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ee Afrika ayaa qaadaya tillaabo weyn oo looga hortagayo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah. Dadaalladan ayaa ka duwan weerarada aan loo meel dayin ee ay al-Shabaab si joogto ah ugu geysato dadka rayidka ah,” ayaa lagu yidhi bayaan ka soo baxay AFRICOM.

Dowladda Mareykanka, ayaa sheegtay in ay weli ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab. Maaddaama oo weerarrada Al-Shabaab ay khatar ku yihiin mustaqbalka fog ee Maraykanka iyo danihiisa gobolka.

Ciidammada Maraykanka oo duqaymo joogto ah ka fuliya inta badan Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, ayaa lagu eedeeyaa in duqaymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn dhibaato ka soo gaadho Shacab Beeralay iyo Xoolo dhaqato isugu jira oo Dhimasho iyo Dhaawac ba kala kulma.

Haseyeeshee, weerarkan maanta, ayaa noqonaya duqayntii ugu horreysay ee Maraykanku ka geysto Soomaaliya sannadkan bilowga ah ee 2022-ka, waxaanay ku soo beegmaysaa xilli uu  Maraykanku aad u yareeyay duqeymaha Soomaaliya, isla markaana Al-Shabaab ay kordhisay weerarradeeda.